soomaali


Monaliiku waa urur noociisa ah, waxaan ururka waxqabadkiisa ugu muhiimsan ah in dumar dhalasho kala duwan isu keeno uuna siiyo adeegyo ayaga firfircoon galinaayo si eey bulshada oga qeeyb qaataan. Shaqadeena waxeey tahay in la hormariyo dumarka iyo gabdhaha caafimaadkooda ayadoo jimicsiga loo adeegsanaayo umana kala saarno dadka diintooda ama jinsiyada eey ka imaadeen.  

Aragtideena gaar ahaan iyo guud ahaanba waa inaan xoojinaa sinmaanaashada dadka, dumarka ineey hormuud ka ahaadaan arimahooda iyo in aan caafimaadka iyo caafimaadka guudba xoojinaa. 

  • Aaminaad
  • Jimicsi iyo isbortiga
  • Isqadarin 
  • Macluumaad iyo isfaham
  • Shabakadaha bulshada
  • Caawin
  • Kala duwanaan
  • Xirfada isgaarsiinta  

Maalinwaliba waxaan lakulanaa dumar wadamo kala duwan iyo dhaqankala duwan wata. Waxaan adeegeeyna gaarsiinaa illaa 250 dumar iyo reerahooda asbuuc waliba. Waxaan u diyaarinaa dumarkaan kala duwan goobo eey ku jimicsadaan oo nabad u leh.  

Waxad inagu weeyntihiin waxwaliba aan idiin sameeyneeyo waxa u sameeyneeyna hagar la aan. Waxaanu heeysanaa aqoon baaxan oo ku wajahan jimicsiga, isportiga iyo dadka ajaaniibta. Waxaan u shaqeeynaa si aan u helno xal , waxaan ognahay in xal la helo eey tahay boroses oo qofwaliba oo ku shaqo leh eey tahay inuu ka qeeyb qaato. Xalka maha hal mid kaliya. Marwaliba waxaan diyaar u nahay inaan dib isugu laabano si aan shaqadeena u wanaajino si aan baahiyada jirto aan wax oga qabno. Hoosha aan qabano waxeey waxaa dib u habeen loogu sameeyay si eey u ahaato mid laga qeeyb qaadankaro ayadoon aanan halis lagali tayada, istandarka iyo mabda’a.


Mashruucyada iyo guruubka jimicsiga 


Nolosheeyda wanaagsan 

Monaliiku adeegeeda waa la bartay, nolosheeyda wanaagsan,  waxa loogu talagalay in eey isku keentay adeego kala duwan oo kawada shaqeeynaya caafimaadka iyo kor u qaadka nolosha ajaaniibta. Hadafka shaqadaan ayaa ah in dadka ajaaniibta caafimaadkooda lagu hormariyo si caafimaadka noloshooda kor loogu qaado. Mashruucaan wuxuu ugu talagalay dadka kasoo qeeybgalaayo in uu asbuuc waliba siiyo jimicsi oo lagu hagaayo asbuuci hal mar, caafimaadkooda guud oo lafiirinaayo, dad ku taqasusay caafimaadka oo loogu oo ogala hadli doono arimaha laxariiro caafimaadka iyo cuntobaris.  


Mentor on the Move 

Mentor on Move waxaa loogu talagalay dumar jinsiyado kala duwan wato oo loo sameeyay barnaamijyo laxariiro jimicsiga si kor loogu qaado caafimaadka, shaqaaleeysiinta iyo in bulshada is dhexgashi ayadoo loo adeegsanaayo jimicsi iyo hagid kaar.  


Usoco Miyusimka  

Usoco Miyusimka waa mashruc lagu soo booqanaayo miyuusimka ayadoo lagu soconaayo magaalada goobaha dhaqanka iyo suugaanta, u jeedada waa in dumarka lagu dhiiri galiyo ineey socdaan iyagoo baranaayo magaaladooda iyo adeegyada eey bixiyaan goobaha dhaqanka iyo suugaanta.


Kamuset 

Kamuset, qofwalba kasoo qeeybgal ururada sportiga, waxaa lagu hormarinaa reeraha ajaaniibta oo helsinki dagan ineey ka qeeyb qaataan ururada sportiga. Waxaana fiiro gaar lasiinayaa gabdhaha iyo dumarka ka qeeyb qaadashooda. 


Guruubka jimicsiga iyo dacdada soo socoto 

Waxaan bixinaa guruubyo jimicsi oo baahan uuna qofwaliba heerka uu joogo loogu talagalay. Waxaad kasii ogaan kartaa porogaramka asbuuca, nagala qeey qaado! 

Taas waxaa sii dheer waxaan qabandoonaa jimis la iskuugu imaandoono si aan isugu keenno dad kala jinsiyad iyo dhaqan kala duwan.  


Iska diiwaangalinta 

Marabtaa inaad hor marisid caafimaadka guud, bulsho kulanka iyo wada sinaanta dumarka jinsiyadaha kala duwan ee wadaankaan ku nool? Waa wax fiican, waxaan aad isku daynaa inaan badino dadka inga diiwaangalisan hadeey shaqsi ahaato iyo hadii urur aad kasocoto.  Is diiwaangali hadaad shaqsi tahay iyo hadii aad urur kasocoto, adigoo oglaaneeysid shuruuda u dagsan ururka. Halkaan iska diiwaangali. 


Diwaangalinta lacagteeda: 

Shaqsiga: 10€/ sanadkii 

Ururka : 20€/ sanadkii 


"Aamin jimicsiga iyo isportiga inuu yahay wax dadka isku keena hormariyana caafimaadkooda guud "